Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa salaadii Jimce kadib waxaa ka dhacay qarax kaas oo sababay dhawac iyo khasaare Hantiyadeed.
Qaraxan ayaa ka dhacay kasoo Horjeedka Hotel Jide ee magaalada Gaalkacyo waxa uuna ahaa mid walxaha Qarxa loogu xiray Gaarigiisa Sarkaal hore Mudane Faarax Caato oo kamid ahaa saraakiishii hore ee dawladii Soomaaliya waxaana sida la sheegay qaraxaasi ka soo gaaray dhawac Culus.
Dhismo ka soo horjeeda Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxyeelo kasoo gaartay sidoo kalana gaarigii qaraxa lagu xiray ayaa isagana Bur-Bur soo gaaray.
Masuulkan ayaan wax xil ah oo muuqda ka ahayn Puntland marka laga reebo inuu kamid ahaa Saraakiishii hore ee dawladda Soomaaliya.