Ciidamada kumaandooska soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo mareykan ah ayaa galabta howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka tooratorow oo Al-shabaab ku lahayeen saldhigyo.
Cutubyo ka tirsan ciidamada Danab oo ay wehliyaan ciidamo Mareykan ayaa bartilmaameed ka dhigtay saldhigyo Maleyshiyada Al-shabaab ku lahayeen degaanka tooratorow halkaasi oo ay ku sugnayeen horjogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab
Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ayaa Idaacada ciidamada qalabka sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan isla markaasi ciidamada ay ka werareyn degaanka tooratorow labo jiho
Saraakiisha danab waxa ay xaqiijiyeen in howlgalka lagu dilay labo horjooge oo ay magacyadooda ku sheegeen Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) iyo Maxamed cumar iyo maleyshiyaad ka tirsan nabadiidka Al-shabaab
Tirada Maleyshiyaadka lagu dilay howlgalka waxa ay saraakiisha danab tirahaan ay gaarayaan ilaa iyo Tobon dagaalame
Labada horjooge ee lagu dilay howlgalka ayaa Nabadiidka Al-shabaab u haayay jagooyinka kala ah Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) oo ahaa Horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa wacyigelinta shabellaha hoose
Halka horjoogaha kale ee la dilay Maxamed cumar uu ahaa Amniyaadka dilalka qorsheysan ka fuliya shabellaha hoose iyo Muqdisho
Ugu dambeytii saraakiisha ciidamada danab waxa ay xuseyn dhawaan ay gobolka shabellaha hoose soo gaareyn labada horjooge ayna ka warhayeen mudooyinkaan dambe