Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ee Xarunta mamulka jubbaland waxaa ka taaganeyd xiisad u dhaxeysay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Maamulkaas.
Xiisadaas ayaa dhalisay in mid ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland oo lagu Magacaabo Axmed Taajir Xabsiga la dhigo,sidoo kale xaalad kacsanaan ah ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.
Kulankii Golaha Wasiirada Jubbaland ee shalay ayaa qeyb ka ahaa qodobadii looga hadly xiisada Magaalada Kismaayo oo ka dhalatay xildhibaanada qaar oo sheegay in ay mooshin xilka qaadis ah ka wadaan Madaxweyne Axmed Madoobe.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ka sokow ansixinta laba hindise sharciyeed ay jirtay in siweyn looga hadlay xalinta xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Kismaayo iyada oo uu Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland xmed Madoobe.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.