Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka baaqsaday socdaal uu ku tegi lahaa dalka Sweden kadib markii loo diiday in Visaha Dal ku galka Baasaboorkiisa Diblomaasiga ah loogu dhejiyo.
Tallaabadaan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay Safaarada ay dowladda Sweden ku leedahay dalka Tanzania oo aan aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga taas oo keentay in Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya loo diido in  Visaha Dal ku galka Baasaboorkiisa Diblomaasiga ah loogu dhejiyo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno Xildhibaano ah oo wehlinaya ayaa waxaa Casuuntay Hay’ada aan dowliga aheyn ee  Olof Palmes si ay uga qeyb galaan Shir ka dhacaya dalka Sweden.
Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Xasan Sheekh uu isna ku adkeysanayo in Visaha dal ku galka loogu dhejiyo balse aysan suuragelin taas bedelkeedana loo ogolaaday Waraaq dal ku gal ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay bur-burkii dalka Sanadkii 1991 ayaa waxaa jira dalal aan aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliga taa soo ay dhibaato ku qabaan dadka Soomaaliyeed ha ahaadaan masuuliyiin iyo Shacab intaba.