Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa ay Diyaarad ku soo dhacday duleedka degmada Walaweyn.
Diyaaradaan ayaa Maamulka degmada Walaweyn waxa ay ku sheegeen in ay tahay nooca Xamuulka qaada,balse ma aysan cadeyn halka laga leeyahay diyaaradaas.
Goobta ay Diyaaradaan ku dhacday ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Fariisin ay ku kala sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ,waxaan dadka deegaankaas ay sheegayaan in aysan jirin cid weli u tagtay.
Al-Shabaab ayaa shalay shaaciyay in ay Gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Diyaaradaha an duuliyaha laheyn oo ku soo dhacday qeybo ka mid ahgobolka Hiiraan.