Wararka aan ka heleyno Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Taliyihii ciidanka nabad-galyada waddooyinka gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Soofa-dhiiste.
Taliyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Gaari la jiirsiiyay xili uu ku guda jiray howshiisa caadiga ah sida ay Warbaahinta u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.
Isbitaalka Magaalada Burco ayuu ku geeriyooday kadib dhaawac culus oo ka soo gaaray jiirsiinta Gaariga oo sixowli ah ku socday.
Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Burco aya durbadiiba wax ay Gacanta ku dhigeen darawalkii waday Gaariga iyaga oo xabsiga dhigay.
Tallaabadaan Gaariga lagu jiirsiiyay isla markaana uu u geeriyooday taliyihii ciidamada nabadgelyada Wadooyinka Gobolka Togdheer ayaan la ogeyn in ay tahay mid ku dhacday sikedis ah iyo in ay tahay mid ula kac ah,waxana socda baaritaano ay wadaan ciidamada Soomaaliland.