Goordhow ayaa Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisooni  ee Magaalada Muqdisho  waxaa ka furmay kulan doodeed looga hadlayo ka soo kabashada iyo jawaab bixinta abaarta Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxana ka qeybgalaya Xubno ay ka mid yihiin Safiiro ka socda Wadamada Beesha Caalamka qaarkood u jooga Soomaaliya iyo Hay’addaha deeq bixiyaasha Caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare kheyre oo shirka furay ayaa Hay’addaha UN-ka iyo kuwa deeq bixiyaasha Caalamka uga mahadceliyay taageerada ay marwalba la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay Kheyre in xukuumada ay wato talo soo Jeedin ku aadan u gargaarida dadka dhibaateysan si ay u caawiyaan dadkaas ay dowlada u Aas’aastay Hey’ada Qaxootiga Qaran.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.