Gudoomiyaha Cusub ee  Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka hadlayay Munaasabadii xilka uu kula wareegayay ayaa waxa uu ka hadlay habka Shaqaleysiinta uu mari doono Maamulkiisa.
Eng, Yariisow ayaa sheegay in uu isagu ogyahay Guux badan oo ka jira dhanka Shaqaleysiinta isla markaana ay jiraan dad danleyda Siyaasaded ah ay wataan laakin uu Maamulkiisa taas ka duwanaan doono.
Waxa uu sheegay in dadka hadda u Shaqeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa doonaya in ay u Shaqeeyaan intaba ay imtixaan mari doonaan cidii aan ka bixi karina ay meesha ka bixi doono.
Taasi ayuu sheegay in ay dhalinkarto la xisaabtan dhab ah oo u mari doono cid kasto oo Shaqaalo ah.
Dad badan oo ku sugnaa Munaasabada uu xilka kula wareegay Gudoomiye Yariisow ayaa aad ula dhacay hadalkiisa kuwaas oo Goobta laga dareemayay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.