Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Saldhigga degmada Kaaran xili halkaasi lagu soo bandhigayay Qalab lagu sameyn jiray Waxyaabaha Maanka dooriya sida Calaq iyo Qamri ayaa hadalkaan sheegay.
Waxa uu sheegay in dhalinyarada dalkeena badankood ay qaban Cuduro dhanka Wadnaha ah oo u keenay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Maxkamada lageyn doono mid ka mid ah dad loo qabtay isaga oo ku howlan sameynta Maandooriya,isla markaana ay kahortegi doonaan waxkasta oo lidi ku ah amniga dalka.
Hoos Ka Dhageyso shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Wasaaradda Amniga.