Hadalkaan ayaa waxa sheegay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Rahiid Xasan C/Nuur (Janan) kadib howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada Jubbaland deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada Jubbaland ay howlgal ka fuliyen deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose kaas oo ay ku dileen ilaa 37 dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba hadalkaan ka soo baxay Maamulka Jubbaland weli wax jawaab ah kama bixin Al-Shabaab oo dhorw mar weeraro ka geystay deegaanda Maamulka Jubaland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka.