Iyada oo xalay Waxgaradka ka soo jeeda Magaalada Cadaado ay soo saareen War-saxaafadeed ay ku dhaliilayaan Shirkii Dhuusamareeb isla markaana Xaaf ay ka mamnuuceen soo gelitaanka Cadaado ayaa waxa ka jawaabay Mamulka Galmudug.
Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in hadalkaas uu soo gaaray isla markaana Galmudug ay diyaar u tahay xalinta tabashada ay qabaan waxgaradkaas.
Waxa uu sheegay in dib la’isugu laaban doono lana wada hadli doono,isla markaana aysan keeneen wax dhibaato ah hdalka ka soo baxay Waxgaradkaas.
Hoos ka Dhageyso Codka Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug  Maxamed cabdi Aadan.