Madaxweynaha Maamulka la Magac baxay  Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Safarkiisii labaad uga dhoofay Magaalada Hargeysa  isagoo ku sii jeeda Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wefdiga ayaa waxaa qeyb ka ah tiro ka mid ah Golaha Wasiirada ee uu dhawaan soo Magaacay Madaxweyne Biixi,waxana garoonka ka sii sagootiyay Xubno ka ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Wararka aan ka heleyno hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad ka helayo Madaxda dalka itoobiya maadaama Soomaaliland iyo Itoobiya ay yihiin Saaxiibo dhow.
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa booqashadiisa Itoobiya ay qaadan doontaa mudo Saddex Cisho ah sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliland isaga oo la kulmi doona Madaxda dowladda Itoobiya.