Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Frmaajo oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta la filayaa in uu la kulmo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobolka Mudug.
Madaxweyne Farmaajo oo shalay Gelinkii dambe soo gaaray Gaalkacyo ayaa xalay ku hoyday Waqooyiga Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland,waxaana Maanta la filayaa in uu furo kulan looga hadlayo dib u heshiisiin maadaama dhowr mar ay Gaalkacyo dagaalo ka dhaceyn.
Ammaanka Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayaa Magaalada Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo kuwa gaar ah oo amniga xaqiijinaya.
Madaxweyne Farmaajo oo shalay la hadlayay boqolaal ruux oo soo dhaweynayay ayaa sheegay in gaalkacyop ay noqon doonto Hoygii ama Hooyadii dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu tago deegaano ka mid ah kuwa Galmudug sida Cadaado iyo Dhuusa Mareeb.