Wararka ka imaanaya magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay dad u qabteen qarax miino oo maanta ka dhacay Duleedka Bari ee magaaladaasi,gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka diyaarada iyo Buula Burde.
Qaraxani oo ahaa minada nuuca dhulka lagu aaso ee loo yaqaano Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday 1 qof halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.
Falka qaraxa kadib ayaa waxaa bilowday howlgalo ay sameeyeen ciidamada oo lagu baadi goobayay ragii falkaasi ka dambeyeey,waxana wararku ay sheegayaan in ilaa haatan ay ciidamadu qabteen dhowr qof oo qaraxaasi lala xiriirinayo.
Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa xarumaha caafimaad ee magaaladaasi kuyaala.