Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sigaar ah ula hadlay Radio Dalsan ayaa ka sheekeeyay socdaalkii uu ku tegay deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag iyo waxyaabihii uu ku soo arkay.
Waxa uu sheegay in ujeedada uu deegaanadaas uu u tegay ay aheyd sidii uu u ogaan lahaa baahiyaha ay qabaan dadka deegaanadaas,waxa uuna sheegay in inta uu arkay in deegaanadaas aysan xiligaan ka socon wax horumar ah isla markaana aysan joogin Hay’addo dadka caawiya.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka jawaabtay cabashadooda isla markaana uu rajeynayo in halkaasi ay tegi doonaan hay’addo si ay uga fuliyan mashaariic horumarineed.
Waxa uu intaasi sii raaciyay in isagu uusan halkaasi u tegin wax Siyaasad ah balse qorshihiisu uu ahaa sidii uu ogaan lahaa xaalada nololeed ee dadka deegaanka,waxa uuna walwal ka muujiyay in deegaanadaas ay ku muransan yihiin labada Maamul ee Soomaaliland iyo Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.