Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid  Juxa oo Gelinkii dambe ee Maanta gaaray degmada Dooloow ayaa Caaw Dalsan u faah faahiyay ujeedka safarka uu ku tegay gobolka Gedo.
Wasiir Juxa ayaa sheegay in ujeedada ay tahay sidii xal buuxa looga gaarai lahaa xiisad soo kala dhex gashay dadka ku nool Magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo, taas oo ay rajeynayaan in xal laga gaaro.
Waxa uu sheegay in Maanta markii ay tageen isaga iyo Wefdiga la socday ay kulamo kala duwan la qaateen waxgaradka Magaalada Dooloow isla markaana uu rajeynayo in aragtiyo kala duwan ay soo aruurin doonaan.
Waxa uu beeniyay in sababaha ay u tageen isaga iyo wefdigiisa ay tahay arrimaha ku saabsan xiisada ka taagan Balad Xaawo e u dhaxeysa Shacabka Magaaladaas iyo Ciidamada Kenya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiir Juxa oo dhameystiran.