Laba ka tirsanaa Saraakiisha  Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay isku soo dhiibey Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay,kadib markii ay la soo xiriireen masuuliyiinta Maamulkaas.
Labadaan Sarkaal ayaa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Buurhakaba waxa  ay Dalsan  u sheegen in lagu kala Magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed,kuwaas oo ka yimid degaano ka mid ah Gobolka Baay.
Maanta ayaa la sheegay in ay isku dhiibeen Maamulka degmada Buur Hakaba iyadoona Maamulka Degmada ay soo dhaweyn weyn ay usameeyeen,iyaga oo sitay laba qoray oo AK47 ah.
Maamulka degmada Buurhakaba ayaa horay waxa ay u sheegeen in ay wada hadal kula jiraan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab si ay ugu soo biiraan.
Sawirro