Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulankoodi caadiga ahaa,kaasi oo ay kaga kadlayaan howlaha horyaala.
Golaha Aqalka sare ayaa waxaa maanta uu ka doodayaa habraaca xeerka Misaaniyadda Dowladda ee 2018,Cabaas Maxamed Faarax oo warbaahinta Qaranka u qaabilsan Aqalka Sare ayaa sheegay in maanta Golaha Aqalka sare kulankiisa uu ku saabsan yahay arrimaha miisaaniyadda Dalka.
Waxaa Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ay ka koobantahay lacagtan 274 malyan,taasi oo horey ay u soo ansixiyeen xildhibaanada Goalaha Shacabka ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.