Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalka ku qaadeen Gaari yar oo nooca raaxada ah xili uu marayay deegaanka Xaawa Cabdi uu duleedka Muqdisho.
War Qoraal ah oo ka soo baxay  Taliska dhexe Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka hortageen Gaari la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaas duqeynta ah ay ku dileen ilaa 4 ka tirsan Al-Shabaab oo saarnaa sida Warka lagu sheegay Gaariga oo noociisu ahaa Carib kaas oo siday qaraxyo.
Sidoo kale waxay dowladda Mareykanku sheegtay in duqeyntas aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay balse laga gaaray ujeedkii laga lahaa.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa kordhay weerarada dhanka cirka ah oo ay fulinayaan diyaaradaha dalka Mareykanka,waxana 24,kii Bishaan Mareykanka uu duqeyn ka fuliyay deegaanka Beerxaani ee duleedka Kismaayo.
Markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in uu kordhin doono duqeymaha dhanka Cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya kuwaas oo lala beegsado Al-Shabaab.