Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladda ay wado dadaaladii ugu dambeeyey ee dalka looga saarayo Alshabaab, waxaana uu baaq u diray dhalinyarada iyo Sarakiisha weli Al-Shaabab kamidka ah.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in mar kale Dowladda ay cafis u fidineyso haddii ay isa soo dhiibaan Saraakiisha iyo Ragga ka tirsan Alshabaab ee u dagaalama , islamarkaana la wanaajin doono, loona abuuri doono  Nolol wanaagsan, arrintaas ayuuna ku tilmaamay inay tahay wadada kaliya ee u furan, isaggoo ugu baaqay inay ka tanaasulaan fikirka Xagjirka ah, ayna qeyb ka noqdaan Nabadda iyo Horumarka Dalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dagaalka argagixisada iyo siddii loo soo afjari lahaa, waxaana uu xusay in la joogo waqtigii Alshabaab laga takhalusi lahaa sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.