Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeedinyay munaasabad Xariga looga jarayay Xarun uu ku Shaqeyn doono qalab loogu talo galay in laga maamulo Hawada soomaaliya ee Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa ka hadlay marxaladahii uu soo marayay iyo hiigsiga dowladda.
Waxa uu sheegay in talaabadaan ay aheyd mid waxbadan la sugayay isla markaana oo siweyn uga Shaqeeyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada,isla markaana dowladdu ay heysato qalab ka wanaasgan oo hawada lagula socon karo isla markaana aan ka wanagsanahay wadamo badan oo Afrikan ah.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya hawada Soomaaliya Muqdisho laga maamuli doono,taasna ay meesha ka saareyso in dowlado shihseeye ama Kenya laga maamulo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya tallaabada xigta ay dowladda xoga saari doono sidii lagu heli lahaa ama loo ilaashan lahaa loona soo celin lahaa Shidaalkii laga soo saari lahaa dalka,isla markana looga hortegi lahaa cid kasta oo ku soo xadgudubta badeena.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in qorshaha dowladda uu yahay ilaalinta amniga xaduudaheena Badeena iyo waliba Hawadeena.
Hoos Ka Dhageyso Khubada Madaxweynaha oo dhameystiran.