Boliska dalka Nigeria ayaa la sheegay inay hawlgal ka fuliyeen Baar laga cunteeo oo ku yaalla K/bari ee dalkaasi.
Saraakiisha Boliska waxay sheegeen inay Baarka ka heleen madaxdyo dadeed oo uu weli dhiiggu ka qubanayo, kuwaasi oo inta la kala dhambalay lagu riday Bac Balaastik ah oo tiillay Kushiinka Baarka.
Mid ka mid ah Macaamiisha ayaa sheegay inuu ka argagaxay markii loo soo gudbiyey warqadda lacag bixinta raashinka uu cunay.
Waxaa lagu soo dalacay lacag dhan 700 Naira oo ah Lacagta laga isticmaalo dalka Nigeria, una dhiganta ku-dhawaad 2.20 Pound.
Macaamilka oo ahaa Baadari ayaa u sheegay Laanta Afka Swahili-ga ee Idaacadda BBC-da inuu ka dooday kharajka, isla markaana uu sheegay inuu cunay waslad yar oo hilib ah, oo aan u dhigmin qiimaha lagu soo dalacay.
“Ma garanayo, waxaan kuugu soo adeegay hilib Aadane, waana taasi waxa hilibka ka dhigay qaaliga†ayaa loogu jawaab celiyey.
Dhinaca kale, Boliska waxay xireen 10 qof oo ka tirsanaa shaqaalihii Baarka iibin jirey hilibka dadka.
Waxay kaloo Boliska heleen hub ay ku jireen Bam-gacmeedyo iyo qoryaha fufuf ee AK 47.