Mid ka mid ah gudoomiye laameedyada degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in saakay lagu dilay Gudaha degmada Waaberi.
Rag hubeysan oo watay Mooto ayaa dadka deegaanka sheegeen in ay dileen Gudoomiye laameedka oo fadhiyay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla  degmada Waaberi.
Qaar ka mid ah dadka deriska la’ah Gudoomiye laameedka ayaa Dalsan u sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka Gudoomiye laameedka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamed oo loo yaqaano Nuuraani ay baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa Goobta gaaray,mana jirto cid ay u qabteen dilka gudoomiye laameedka.
Xaalada Goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku soo laabatay mudo kadib si caadi ah maadaama uu horay dil uga dhacay.
Dilalka qorsheysan ayaa inta badan ka dhaca Muqdisho iyo duleedkeeda,iyada oo loo geysto Ciidamada dowladda iyo dadka la Shaqeeya, waxana sheegta dilalkaas Al-Shabaab.