Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay Culeysyada Siyaasadeed oo xiligaan heysta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dowladnimadii Soomaaliya waqti badan la soo geliyay dhiig badana uu u daatay,isla markaana ay u baahan tahay in la garawsado.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ka siyaasi ahaan in dowladda hadda jirtay markii la dhisay lagu bilaabay jalaafooyin iyo in loo dhigo qodxo si ay u burburto taasina ay keeni karto in dib loo laabto.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dowladdu aysan diidaneyn mucaarad balse aan la dooneyn mucaaradnimo wax lagu burburinayo balse mucaaradka laga doonayo in uu wax saxo sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin sheegaya in Muqdisho cid gaar ah ay leedahay isla marakana dalka kala qeybinaya.
“Ra’iisul Wasaare Geedi ‘Muqdisho Cid marti ka ah majirto Siyaasiyiin Xil doon ah ayaa dalka  kala qeybinaya, waxaana leeyahay ka digtoonaada ayuu yiri Cali Maxamed Geediâ€
Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Maxamed Geedi.