Xulka Kubadda Cagta Jubbaland ayaa Galabta ku guuleystay tartanka Maamul goboleedyada kaas oo Galabta lagu soo gaba gabeeyay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium.
Tartankaan oo soo bilaawday 8,dii Bishaan December ayaa waxaa Galabta wada Ciyaaray Xulal kala metelayay Maamulada Puntland iyo Jubbaland,iyada oo Xulka Jubbaland 2-0 Â uga badiyeen Xulka Puntland.
Xulka Jubbaland ayaa sanadkii hore waxay isugu soo hareen Xulka Puntland balse ay Puntland guuleysatay balse Jubbaland ayaa ka’aarsatay oo Galabta koobkii sidaas ku qaaday.
Goordhow ayaa xulka Jubbaland la gudoonsiiyay koobka iyao abaalmarino kale ay heleen iyada iyo kooxihii kale ee tartanka ka qeyb galay.
Goordhow filo Sawirrada Ciyaartii Galabta.