Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab deegaano ku dhow dhow deegaanka Ceel-Gaal ee gobolka Hiiraan kaas oo geystay khasaaro kala duwan.
Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOMÂ ay sameeyeen howlgal ay qaarkood ku soo qabteen rag ka tirsan Shabaab.
Afhayeenka Maamulka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in dagaal kooban uu halkaasi ka dhacay kaas oo ay ku dileen Saddex ka mid ah Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah rag ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaleysanyay uleedka Bari ee deegaanka Ceel-Gaal gobolka Hiiraan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.