Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ahna Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadka sida kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga Siyaasiga Cabiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Siyaasigan ayaa sidoo kale  waxaa horay weerar ugu qaaday dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa uuna sheegay in arrintaan ay shaki hor leh kala dhax-galineysa ummadda Soomaaliyeed islamarkaana halis ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Shuruucda iyo dastuurka dalka ayuu sheegay Siyaasigu in si toos ah loo baalmarayo mar haddii xildhibaanno fikirkooda cabbiray la’iskudayayo in la caburiyo sida uu hadalka u higay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay xaliso isla markaana aan dalka lagu maamulin jaceyl iyo nabad intaba hadii ay arrintaan sii socotana ay dhibaato ka dhalan karto.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka in cidwalba ay doonayaan ama ay dowladu u baahato in loo geeyo Warqad ruqsad u siineysa in qofka dacwad lagu soo oogo.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.