Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo ayaa la dardaarmay ciidamo farabadan oo ku jira Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya kuwas oo loo iyaariyay dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay in ay ku dhiiradaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab si ay uga gudbaan tijaabada uu Caalamka ku hayo.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ciidamadu ay waligood ahaayeen kuwo u babac dhigi jiray dagaalka Al-Shabaab haatana looga baahan yahay in ay laba jibaaraan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tiro ka dhowr jeer tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaanhigga Soomaaliya isaga oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab in kastoo amarkaas uusan fulin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.