Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii xili uu marayay Xaafada Kaluunka ee degmada Wadajir qarax Gaari uu watay loogu xiray uu ku geeriyooday Allaah u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo ka tirsanaa Tv-ga Kalsan Xaruntiisa Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warafafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka taciyeeyay geerida Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow isga oo Alle uga baryay in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo.
“Allaha u naxariisto Wariye Maxamed Ibraahim Gabow oo gaarigiisa qarax loo geliyey uu u dhintay. Dhammaan Shacabka iyo gaar ahaan bahda warbaahinta iyo qoyska marxuumka ayaan u tacsiyadeynayaa waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN.
Sidoo kale Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa wax lagu xumado ku tilmaamay dilka Wariye Maxamed Ibraahim Raage iyaga oo cambaareeyay.