Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka soo degtay Diyaarad Siday deeq daawo ah oo loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe ka dhacay 14 Bishoo Octoper.
Deeqdaan Dawada ah ayaa waxa ay ka timid dowladda Masar,taas oo gaareysay 5tan oo Daawo ah,taas oo wax loogu qaban doono dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qarixii Zoobe.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sugnaa oo deeqdaas daawada ah Dowladda Masar kala wareegay masuuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin kale.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Daawadan loo qeybin doono Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho si keyd Daawooyin ah loo helo si markii uu dhib yimaado aysan u dhicin Daawo yari.
Intaasi kadib Diyaaradii ka timid dalka Masar ee Waday deeqda daawada ah ayaa qaaday 20 ka mid ah dadkii ugu darnaa ee ku dhaawacmay qarixii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14 Bishii Octoper ee Sanadkaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maanta  Masuuliyiinta ka hadashay.