Maalintii labaad ayaa waxaa dagaal uu ku dhex maray  Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunk ee degmad Hodan Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in hab beeleed ay u abaabulan yihiin.
Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Miteriga ayaa la sheegayaa in ay isku heystaan dhul ku yaalla Nawaagiga Tarabuunka,iyada oo shalay gelinkii dambe uu halkaasi dagaal ku dhex maray.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa waaxa uu Dalsan u sheegay in xaaladu ay iminka tahay mid degan balse ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray labada ciidan.
Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in haatan isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay xayiran yihiin Isgoysyada Tarabuunka iyo kan Taleex ee degmada Hodan.
Weli majirto cid soo kala dhex gashay ciidamadaas ka wada tirsan kuwa dowladda ee weli iskuhor-fadhiya degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qofka Goobjoogaha.