Magaalada Sharmal Sheekh ee Dalka Masar ayaa waxaa weli ka soconaya shirkii looga hadlayay arrimaha ganacsiga Qaaradda Africa,iyadoo hoggaamiyaasha Africa ay diiradda saarayaan horumarinta dhaqaalaha iyo ganavsiga Africa.
Waxaa bar bar socda shirkaasi oo Soomaaliya uga qeybgalayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo,kulamo gaar gaar ah oo ka dhacay Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar,waxaana Soomaaliya loo balan qaaday in ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.
Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dalka Masar ayaa la kulmay ganacsatada Afrikaanka ah iyo masuuliyiinta wadamada Afrika qaarkood, waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ganacsiga.
Wasiirka Wasaarada qorsheynta,maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee  Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah.