Sagaashan iyo Labo qof oo Somali ah oo laga kala qabatey meelo kala duwan oo dalka Mareykanka loona masaafurinayey Somalia ayaa dib looga soo celiyey magaalada Dakar ee Senegal. Dadkan ayaan haysan sharciga dalka Mareykakan, waxaana diyaaradii wadey ay dib ugu soo noqotey gudaha dalka Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa war kasoo baxay hay’ada Waaxda socdaalka iyo xududaha Mareykanka ayaa sheegtey in cilado farsamo oo dhacay awgeed dadka dib loogu soo celiyey.
Cumar Jamal oo ah nin la shaqeeyo sharciyqaanada gobolka Mineasota ayaa Voa u sheegay in arrintaan ay ku noqotay mid lama filaan ah, isla markaana ddkaasi diyaarada saarnaa dib loogu soo celiyay Mareykanka.
Waxa uu sheegay in markii hore ay ku ogaayeen 104 Ruux balse hadda loo sheegay in ay yihiin 92 Qof.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cumar Jamaal