Maamulka gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay wadahadalo ay sheegeen in ay kula jiraan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo doonaya in ay isku soo dhiibaan.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Yoonis Aadan Xasan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay haatan yihiin kuwo aan awood badan ku laheyn Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamo kale ay wadahadal kula jiraan si ay dhankooda ugu soo biiraan.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Dhalinyarada ka tirsan Shabaab in ay isaga soo baxaan Al-Shabaab isla markaana dhankooda ay soo dhaweynayaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiye ku xigeenka Gobolka Baay.