Gudoomiye ku xigeenkii degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar Maamulka puntland ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay taliyaha Saldhiga Booliiska degmadaasi Xaafuun kadib muran dhex maray.
Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Muuse Bahaleey oo dhaawac ahaan u jiifay Isbitaalka  Boosaaso ayaa ugu dambeyn geeriyooday dhaawiciisa oo cuslaa aawgiis.
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa Warbaahinta ka howlgasha gudaha Puntland u sheegay in arrintaan ay si kedis ah u dhacday isla markaana Bulshadu ay ka naxeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dhankooda iyo laalamaha amniga intaba ay baaritano ku hayaan.
Marka laga soo tago hadalka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa hadana Wararka ay heleyso Dalsan waxa ay sheegayaan in labada masuul uu dhex maray muran dhinaca dhulka ah taas oo keentay in gudoomiyaha taliyaha degmada xafuun uu dhowr Xabaadood ku rido gudoomiye ku xieenka oo dhaawac ahaan u geeriyooday.