Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kulan la qaatay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Oglan Bekar.
Labada masuul ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen sidii dowlada Turkiga ugala shaqeyn laheyd Maamulka Galmudug dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii ay taageero weyn u siin laheyd.
Madaxweyne Xaaf ayaa dhankiisa Madaxda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay marwalba siiso Shacabka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka.