Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe ee ka dhacday tuulooyin hoostaga degmada Qoryoley ee gobolka Shabeellaha Hoose taas oo la sheegay in lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeyntaan ayaa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Shabeellaha Hoose waxa ay u sheegeen in ay ka dhacday deegaan lagu Magacaabo Ilimeey oo u dhow tuulada Farsooleey ee duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in duqeyntaas oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab xili ay marayeen deegaanka Ilimeey.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay baarayaan khasaaraha rasmiga ah ee duqeyntaas Galabta ka dhacday duleedka Qoryooley.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa Bogga ay Internet-ka ku leeyihiin waxa ay ku beeniyen in duqeyntaas lala beegsaday Saraakiil Al-Shabaab ah iyaga oo sheegay in lagu dilay dad Shacab ah oo gaaraya ila 7 ruux