Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka dalka laga talo geliyo masuuliyiin horay dalkan xilal uga soo qabtay.
Waxa uu sheegay in ay jiraan xildhibaano farabadan iyo dad badan oo waayo joog ah kuwaas oo u baahan in Guddiyada qaranka ay ka mid noqdaan wax badana laga faa’iidi karo.
Waxa uu Golaha Shacabka ka dalbaday in ay qaraar ka keenaan in xildhibaanadii hore Dastuurkan laga talo geliyo maadaama ay ogyihiin halka uu marayo.
“Mudanayaal waxaa jira dad badan oo xil wadanka ka soo qabtay oo og halka uu marayo Dstuurka waxaana codsanayaa in dadkaas laga talo geliyo,waxan idiin sheegaya in ay jiraan dad badan oo diyaasbaro ah kuwaas oo aan ogeyn halka uu marayo dastuurka ayuu yiri Xildhibaan Xidigâ€
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.