Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxa uu kulankoodii caadiga ahaa uga furmay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari , Mudanayaasha kulankaan soo xaadiray ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 159 Mudane.
Ajendaha Kulanka Maanta ayaa ah Ansixinta Xubin Ka tirsan Guddiga Madax-banaan ee Hirgalinta Dastuurka dalka kaas oo dhawaan ay meel mariyen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Iyo sidoo kale Qaybinta Warbixinta wax ka bedelka Xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka iyo ka doodistiisa,waxana hada socda dooda waxka bedelka Xeer-Hoosaaska Golaha Shacabka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka.