Wararka aan ka haleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nin Rayid ah.
Ninka la dilay oo la sheegay in ahaa dadka ku Xamaasha gaari Gacanka ayaa meydkiisa lagu arkay afaafka hore ee Bakhaar dhawaan ay ku dagaalameen maleeshiyad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug kaa soo ku yaalla Suuqa Bartamaha Gaalkacyo.
Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysa dilka Ninkaas Shacabka ah iyo sababta loo dilay,iyada oo Warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
Suuqa Bartamaha oo Ninkaan lagu dilay ayaa ah Goobihii ay dhawaan ku dagaalameen maleehiyaad ka kala socda Puntland iyo Galmudug balse dagaalkaas heshiis laga gaaray.
Xaalada ayaa haatan ah mid degan,walow Ganacsatada qaar ay sheegeen in ay cabsi soo wajahday maadaama la filan karo in dilkaan uu qalalaaso kale uu abuuro.