Maxamed Cali Maxamed oo isagoo 14-snno jir lagu helay inuu Tooreey ku kufsaday 2 Haween ayaa la sheegay inuu soo dhamaystay 6-sanno oo lagu hayey Xabsiga Dadka aan qaan-gaarka ahayn.
Wargeyska The Salt Lake Tribune ayaa qoray in Eedeysanaha oo haatan 20-jir ah uu u sheegay Garsoore Maxkamadeed isbuucii la soo dhaafay inuu ahaa “Xayawaan†markii uu Kufsigaasi geystay sannadkii 2011-kii, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inuu waxa badan soo bartay, isla markaana uu haatan diyaar u yahay inuu muujiyo inuu noqday qof kale, waa sida uu hadalka u dhigay.
Garsoore  Vernice Trease waxay ku xukuntay  Eedeysanaha in toddobaadkiiba mar yimaado Xarumaha Boliska si loola socdo, inuusan isticmaali Karin Internet-ka iyo in in qalabka wax lagu ilaaleeyo looga xiro Qoobka muddo 5 sanno.
Waxay intaasi ku dartay haddii uu ku xad-gudby Awaamiirtaasi in uu Xabsi muteysan doono.