Madashada Maamulka Guud ee Hey’adaha Dowlada oo sanadla ah ayaa waxaa looga gonleeyahay isku xerka Hey’adaha kala duwan ee Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed Sabtidii maanta ayaana laga daah-furay Magaalada Muqdisho.
Waxaa Madashan ay kulmisay Xubno Wasiiro u badan oo ka socda Dowlad Goboleedyada Mas’uuliyiin katirsan Heyadaha Dowlada Federaalka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Federalka iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha .
Mudo labo cisho ah ayey mas’uuliyiinta gorfeyn doonaan qodobo ay kamid yihiin Dhismaha hey’adaha Dowlada, tayada hey’adaha Dowlada oo lagu cabirayo waxqabad iyo laqasigooda, iyo Doorka haweynka hey’adaha guud iyo Maamulka Somalia.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Federalka Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay Ahmiyada Madashaasi iyo waxyaaba diirada lagu saarayo,waxaana meesha uu ka saaray in madashaas ay siyaasad la xiriirto, balse lagu falanqeynayo Maamulka iyo Maareynta.
C/llaahi Xaamud Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha ayaa dhankiisa madashaas Khudbad ka jeediyay waxaana uu sheegay in Xukuumada Federaalka ay ka go’antaya tayenta Shaqaalaha iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada.
Xubnaha ka socda Dowlad Goboleedyada ayaa dhankoodana madashaas ka sheegay in ahmiyad balaaran ay Madashadaasi u leedahay hagaajinta Maamulka oo ay tahay talaabo horay loo qaday  in hadda laga hadlayo hanaanka dibu-habeynta hey’adaha Dowlada iyo hubinta tayada Shaqaalaha.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo C/llaahi Xaamud Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha kana Daawo Sawirrada Kulanka.