Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh ee dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in qorshayaasha Wasaaradda Difaaca Dalka ay tahay Dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Maxamed Mursal Shiikh Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go,an tahay Wasaaradda Gaashaandhiga in Guuda ahaanba Dalka laga saaro Al-Shabaab.
Wasiir Maxamed Mursal ayaa ka dhanka kale soo hadal qaaday Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Qaranka ee ay bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya in uusan Dalka caqabad ku noqon doonin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.