Saraakiisha Waaxda Dembi-baarista Boliska Filibiin ayaa sheegay inay dib u soo celin doonaan Muwaadin Somali oo ku safrayayey Baasaboor Swedish, kaasi oo la qabtay xilli uu Transit ku ahaa Garoonka
Caalamiga ee Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Manila.
Taliyaha Hay’adda Dembi-baarista dalkaasi, Jaime Morente waxa uu magaca Ninka Soomaaliga ee ay qabteen ku sheegay C/najax Maxamuud Aadan oo 23-jir ah,  kaasi oo doonayey inuu ku dhoofo Baasaboor Swedish oo uusan lahayn.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Eedeysanaha la socday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Filibiin oo uu ka soo raacay magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta bishii la soo dhaafay  ee November 25-dii
Taliyaha waxa kale oo uu sheegay inuu Ninka Soomaaliga ku dhoofayey Baasaboor la been abuuray, isla markaana doonayey inuu sii raaco Diyaarad ku sii jeeday magaalladda London ee dalka Britain.
Dhinaca kale, Taliyaha Dembi-baarista Filibiin waxa uu tilmaamay inay Dhacdadaasi kala xiriireen Safaaradda Britain ku leedahay magaalladda Manila.
Sidoo kale, waxa uu xusay inay Ninka Soomaaliga dib ugu celin doonaan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka oo ahayd halkii uu markii hore ka soo galay Filibiin.
Xigasho:Â cachevalleydaily.com