Kadib howlgalkii ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga  shalay Al-shabaab kagala wareegeen degaanka Baladul-Amiin ee hoostaga Degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa gacanta ku dhigay Kartoonyo lagu xareeyay qaraxyo iyo hub.
Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda Sonna  u xaqiijiyay guulahaasi ay gaareen ciidamada Dowladda,gacantana lagu dhigay Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala degaan Baladul Amiin,kuwaasi oo ay Shabaabka u adeegsan jireen gumaadka umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Saraakiisha kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyeen in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya taleefano Al-Shabaab ay u isticmalaan weerarada qaraxyada ay ku xasuuqaan dadka shacabka a.
Howlgaladani oo ah kuwo qorsheysan ayaa ujeedkoodi yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya oo ah halka ay ku dhuumaalaysanayaan.
Waxaa barbar socda howlgaladaasi dhulka ah,duqeymo xagga Cirka ah oo lagu beegsanayo horjoogayaasha Shabaab,waxaana duqeyntii ugu dambeysay lagu dilay horjooge katirsanaa Daacishta ku sugan Buuralayda gobolka Bari ee Puntland.
Hoos Ka Daaso Sawirrada Howlgalka Ciidamada