Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya  Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa markale soo saaray amaro horay u soo baxay kuwaas oo ku aadan dhanka sugida amniga dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Warka uu soo saaray waxa uu kaga hadlay digniin ku socota Saxafiyiinta, ,Milkiilayaasha Hotelada iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda gaar ahaan kuwa wata ilaalada ka badan ilaa 4 Askari.
Wasiirka ayaa marka hore  sheegay in marnaba aan la aqbali Karin in Masuuliyiinta ay ilaaladooda ka badiyaan ilaa afar ruux sidii ay dhowr bil ka hor sidaan oo kale ay Wasaaradu u soo saartay amarkaan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay shirar uu sheegay in lagu qabto Hoteelada Muqdisho taas oo aysan ka warqabin dowladda.
“Waxaan ognahay in shirar aan dowladda ka warqabin lagu qabto hotelada Muqdisho,hadaba waxaan uga digeyna Milkiilayasha Hotelada in taasi aysan ogolaadaan,waxana uga gol leenahay in aan ilaalino amniga ee maahan in aan caburineyno Milkiilayaasha Hotelada ayuu yiri Wasiir Ducaaleâ€
Ugu dambeyn waxa uu Wasiirka sheegay in talaabadaan ay dhaqan galeyso laga bilaabo Maanta oo ah 30,ka Bisha November 2017.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.