Galabta ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeeed Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Shabaab ay Wadada u galeen Gawaari uu la socday Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Maamulka degmada Buurhakaba,sida ay xaqiijiyeen Maamulka degmada.
Sidoo kale waxaa la sheegay in intii uu dagaalka socday uu dhaawacmay gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyada ee Maamulka Maamulka degmada Buurhakab oo dagaalka qeyb ka ahaa.
Dagaalka oo sigaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa degmada Buurhakaba iyo deegaanka Deeynuunaay,waxaana Goobtii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada dowladda kuwa Koonfur Galbeeed iyo AMISOM.