Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa marka hore u habalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi kas oo ka guuleystay laba musharax oo la tartamaeysay.
Waxa uu sheegay in Muuse Bixi uu yahay nin aqoon iyo karti leh isla markaana wax badan ka yaqaana xalada dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in doorashadii ka dhacday Sooamaliland ay Soomaaliya cashir ka baran karto maadaama ku soo fool leedahay in ay gasho doorasho qof iyo Codkiisa ah.
Sidoo kale waxa uu shegay in guusha Muusa Biixi ay sahli karto in dib loo bilabo Wadahadaladii hore ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland isla markaana ay rajo ka qabaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisil Wasaare ku xigeenka.