Amiin Maxamed oo 18-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minesota, kadib, markii lagu soo oogay inuu Haweeney la saarnayd Bas uu taataabtay.
Eedeysanaha  ayaa lagu soo oogay Dembi ku aadan Isku-day Fal Galmood ah, iyo inuu Haweeneyda ka taataabtay inta u dhexeysa labadeeda lugood, waa sida hadalka loo dhigay.
Telefishin la mataano ah CBS ayaa sheegay inuu Amiin Maxamed falkaasi geytay, xilli ay isaga iyo haweeneyda wada fadhiyeen Laba Kursi oo isku dhow.
Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay haddii lagu helo Eedeymaha lagu soo oogay inuu muteysan doono Xabsi Hal sanno ah ama Ganaax dhan 2,000 oo Dollar.