Wadooyin muhiim ah oo ka mid ah kuwa Muqdisho ayaa Maanta xiran kuwaas oo loo diiday in ay isticmaalaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Wadooyinka muhiimka ah ee xiran ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, ilaa Wadada aada dhanka Tarabuunka ee degmada hodan.
Xeritaanka Wadooyinkaas ayaa waxaa sabab looga dhigay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la filayo in waqtiyada nasoo aadan uu booqdo Xerada Generaal Golden halkaas oo Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ay ku jiraan.
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbad dheer oo dardaaran u badan u jeedin doona ciidamadaas oo la filayo in ay ka qeyb qaataan dagaalkii uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo.